Fadeexad weyn oo taagan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo wasiirada gaadiidka.
Wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada oo uu ku lammaan yahay maareeyaha hay’adda civil aviation-ka ayaa go’aamiyay in ay dulsaartaan lacag gaareysa 15 doolar rakaab kasta oo ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde.
Arrintan waxaa ka biyo diiday shirkadaha diyaaradaha dalka badankood, waxaana shirkadahaas loogu hanjabay in laga joojin doono duulimaadyada hadii ay bixin waayaan lacagtaas baadda ah.
Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in tikidhada ay markii horeba saarnaayeen canshuuro kala duwan oo isugu jiro kuwo dowlada federaalka iyo kuwo ay qaataan maamul gobolleedyada ay duulimaadyada ku tagaan, balse lacagahan cusub ay yihiin lacago baad ah oo loogu soo ganbanayo qaabab kale.
Wasiirada iyo maareeyaha waxaa howshan kala shaqeynaya nin kale oo lagu magacaabo C/qaadir Dhoore oo la shaqeeya shirkada African Express, waana ninka u qaban doono lacagaha ay ka baadayaan diyaaradaha. Waxaana lagu heshiiyay nidaamka lacagta loo qeybsan doono.
Lama oga tallaabada uu Raysalwasaaruhu ka qaadi doono qorshahan cusub ee ay wadaan Haweeneyda Wasiirka ah iyo maareeyaha, ayna shuraakadda kula yihiin shirkadaha diyaaradaha qaarkood.