Boqor Buurmadoow ''Sanaagna waa la fasaxay oo Puntland baa ka codeysay.. Sool-na waa lagu dhimmanayaa...''

 Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid ah Madaxdhaqameedka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Somaliland ogolataay in inta badanba deeganada Gobolka Sanaag ay ka dhacdo doorashada Puntland.

Boqorku wuxu tilmaamay in Sanaag faraha laga qaado Sool-na xabbad lala dul fadhiyaa ay ka dhigan tahay cadaawad gaar ah oo shacab Gobolka Sool ee la qixiyay loo hayo.

"Maanta oo ay tariikhdu tahay 25/5/2023 waxa ay xukuumada Somaliland oggolaatay in ay Puntland doorasho ka qabato dhammaan deegaannada Sanaag sida; Badan, Dhahar, Ceelbuh, Buraan, Ceelaayo iyo meelo kale.

Waxa aan garan waayey dawladdu iyada oo Sanaag faraha ka qaadday, sababta loogu dhimmanaayo Laascaanood dadkeedana looqixiyey, maxay ku kala duwanyihiin Labada deegaan? golayaasha qaranku arrrintan maxay ugala xisaab tami waayeen dawladda miyaanayse noqonayn ciqaab iyo cadaawad ugaar ah dadka reer Laascaanood."



Previous Post Next Post